Home » Horyaalada » italian Serie A » Liverpool Oo Lala Xariirinaayo 8-Cayaaryahan Oo Serie A-da Talyaaniga Ka Cayaarto

Liverpool Oo Lala Xariirinaayo 8-Cayaaryahan Oo Serie A-da Talyaaniga Ka Cayaarto


Carlos Tevez

Kooxda Liverpool ayaa dooneyso inay xagaagan si gaar ah uga soo dukaameesato Serie A-da dalka Talyaaniga waxayna kooxaha horyaalkan ka dooneysaa ugu yaraan 8-cayaaryahan.

Madaama Steven Gerrard uu kooxdan macsalaameeyay waxay Liverpool haatan u weecatay soo xero galinta Arturo Vidal oo suuqa yaalo sidoo kalena kooxda Arsenal siweyn loola xariirinaayo.

Sidoo kale Liverpool si ay dhibaatada dhanka weerarka ka heesato uga baxdo waxay si toos ah ula xariirtay naadiga Napoli ayadoo ka dooneyso Gonzalo Higuain.

Liverpool qorsha kale oo ay wadato ayaa ah hadii ay Arturo Vidal saxiixiisa ku guul dareesato inay gacanta kusoo dhigto kubad bur buriyaha kooxda Roma Radja Nainggolan oo lagu qiimeeyo 20-milyan oo euro ah.

Liiska xidigaha ay Reds dooneyso sidoo kale waxaa safka hore kasoo galay Mauro Icardi oo dhawaan la sheegay in kooxdiisa Inter Milan xagaagan iska iibin doonto.

Ruug cadaa Andrea Pirlo isagana Liverpool ayaa lasoo xariirtay waxaana macquul ah inuu xidigan Anfield nasiino usoo aado sidoo kalena Carlos Tevez ayay Liverpool dabagal ku heysaa madaama uu ka madax adeegayo inuu Juve heshiis cusub u saxiixo.

Waxaad moodaa in Liverpool ay khadka dhexe xooga saareyso sidoo kale waxay xariiro kala duwan la sameesay Miralem Pjanic oo Roma ka tirsan iyo Mateo Kovacic oo Inter Milan u cayaaro.

Sida darteed Reds waxay qal qaalo xoogan ugu jirtaa inay heyso weeraryahan tayo wanaagsan iyo xidig Gerrard booskiisa buuxin karo.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>