Home » Horyaalada » France League I » Liverpool Oo Loo Ogolaaday Inay Wada Hadalo La Furi Karto Daafaca Monaco Aymen Abdennour.

Liverpool Oo Loo Ogolaaday Inay Wada Hadalo La Furi Karto Daafaca Monaco Aymen Abdennour.


MONACO_ABDENNOUR_091214

Wargeska The Express ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay haatan ku guuleesan rabto saxiixa daafaca naadiga AS Monaco Aymen Abdennour.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Reds loo ogolaaday inay daafacan la hadli karto sidoo kalena ay kala heshiis karto arimo badan kuna qancin karto inuu xagaagan EPL usoo dhaqaaqo.

L’Eqiupe ayaa sidoo kale sheegay in 25-jirkan u dhashay dalka Tunisia uu kooxdiisa Monaco ka dal baday in xagaagan la iska fasaxo sidoo kalena codsigiisa ay kooxda reer France xidigan tayada wanaagsan u tixgalin doonto.

Sidaa darteed Liverpool ayaa fariin ka heshay kooxda Monaco waxaana loo sheegay inay Aymen Abdennour la hadli karaan.

Sidoo kale daafacan tayada wanaagsan naadiga Tottenham ayaa ku raad joogto madaama uu xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa Monaco siweyn uga dhex muuqday.

Aymen Abdennour oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri “Waan ku faraxsanahay waqtiga aan la qaatay kooxdeyda Monaco sidoo kalena maamulka kooxda waan u mahad celinaa”

“Madaama ay codsigeyga iga aqbaleen waxaana doonayaa inaan isbadal sameeyo xagaagan sidoo kalena inaan horyaalka England ka cayaaro ayaan xiiso weyn u qabaa”

Aymen Abdennour waxaa lagu qiimeeyaa 15-milyan oo euro ah hadaba la arki doonee hadii Liverpool ay lacagahan diyaar la tahay xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>