Home » Horyaalada » France League I » Lucas Moura Oo Shaaca Ka Qaaday Labada Xidig Ee Uu Jecel Yahay Inuu Wadadii Ay Mareen Qaado

Lucas Moura Oo Shaaca Ka Qaaday Labada Xidig Ee Uu Jecel Yahay Inuu Wadadii Ay Mareen Qaado


Lucas Moura

Kubad sameeyaha kooxda PSG Lucas Moura kana mid ah dhalinta qaarada Yurub ugu tayada wanaagsan ayaa shaaca ka qaaday xidigaha uu jecel yahay inuu ku deysado sidoo kalena uu maro wadadii ay mareen.

Lucas Moura ayaa sheegay in yaraantiisa uu aad u jeclaan jiray kubadana u cayaari jiray sida halyee Zinedine Zidane oo kale wuxuuna ku tilmaamay laacib aan marnaba la gaari karin.

“Waligay Zidane ayaan taageero u ahaan jiray sidoo kalena inaan sidiisa oo kale kubada u cayaaro ayaan jeclaan jiray”

Sidoo kale Lucas Moura ayaa sheegay inuu Lionel Messu jeceyl dheeraad ah u hayo lana yaabay hormarka uu xidigan kubada cagta ka sameeyay.

Wuxuuna yiri “Messi waa shaqsi cajiib ah sidoo kalena aan aad uga helo sida uu kubada cayaaro waxaana sharaf ii ah inaan taageero weyn u ahay”

Ugu dambeyntii Lucas Moura ayaa muujiyay sida uu xushmad ugu hayo Zlatan Ibrahimovic oo ay naadiga PSG ka wada tirsan yihiin.

“Zlatan marwalbo waa laacib aad u wanaagsan sidoo kalena booskiisa ma jirto qof kaga wanaagsan waa saaxiib igu qaali ah sidoo kalena aad aan uga helo kartidiisa uu garoomada kusoo bandhigo”

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>