Wargeska The Mirror ayaa sheegay in Man United ay fariin u dirtay Sergio Ramos sidoo kalena loogu wargaliyay in garoonka Old Trafford uu ka heli doono riyadiisa gaarka ah.
Daafacan waaya araga ah ayaa go’aansaday inuu kooxdiisa Real Madrid isaga hayaamo wuxuuna maamulka Madrid ku wargliyay in wada hadalo kala uusan diyaar u ahayn.
Sidaa darteed United ayaa daafacan awooda badan u balan qaaday inay todobaad walbo mushaar ahaan u siin doonto £230,000!
Ramos ayaa waji ka waji ugu sheegay agaasimaha Real Madrid Jose Angel Sanchez inuu rabo ku biiritaanka Man United.
Daafacan ayaa ka careesan qaabka ay maamulka Real Madrid ula dhaqmeen madaama 12-bilood ka hor laga balan qaaday in mushaarkiisa loo kordhin doono balse midaas ma dhicin.
29-jirkan qandaraaskiisa 2-sano ayaa ugu harsan sidaa darteed Man United waxay dooneysaa inay £30m kusoo iibsato inkastoo Madrid dalabkaas diidan tahay.
Hadana United ayaa kalsooni ka muujisay inay saxiixa Ramos ku guuleesan doonto xagaagan inta uu suuqa Yurub furan yahay.