Da’yarka Rennes Paul-Georges Ntep ayaa markii ugu horeysay laga wacay xulka faransiiska ee kulamada saxibtinimo la ciyaari doona xulalka Belgiumka iyo Albania.
Xulka Faransiiska waa martigaliyaha koobka Euro 2016 balse kulamo saaxiibtinimo ayuu isugu sii diyaarinayaa halka wadamada kale ay isreeb-reeb ku jiraan.
France waxey 7-da June martigalin doontaa xulka Belgiumka, iyadoo lix maalin kadib booqan doonta xulka Albania waana kulamo saaxibtinimo labadaba.
Paul Pogba ayaa dib looga yeeray xulka kaas oo dhaawac dhanka muruqa ah kasoo toosay dhawaan, balse uma suuragali karto inuu ciyaari karo kulanka Belgium madama uu finalka Champions League ciyaari doono 6-da June.
Sidoo kale Patrice Evra oo muujiyay geesinimo dheeraad ah iyo bandhig wanaagsan ayaana sidoo kale isna xulka lagu daray waxaana sidoo kale lasoo xulay Nabil Fekir oo weerarka kaga ciyaara Lyon.
Goolhayeyaasha:
Hugo Lloris (captain) (Tottenham), Steve Mandanda (Marseille), Stephane Ruffier (Saint-Etienne)
Daafactada:
Patrice Evra (Juventus), Christophe Jallet (Lyon), Laurent Koscielny (Arsenal), Eliaquim Mangala (Manchester City), Bacary Sagna (Manchester City), Mamadou Sakho (Liverpool), Benoit Tremoulinas (Sevilla), Raphael Varane (Real Madrid)
Khadka Dhexe:
Yohan Cabaye (Paris Saint-Germain), Maxime Gonalons (Lyon), Geoffrey Kondogbia (Monaco), Blaise Matuidi (Paris Saint-Germain), Paul Pogba (Juventus), Dimitri Payet (Marseille), Moussa Sissoko (Newcastle United)
Weerarka:
Nabil Fekir (Lyon), Olivier Giroud (Arsenal), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Alexandre Lacazette (Lyon), Paul-Georges Ntep (Rennes), Mathieu Valbuena (Dynamo Moscow).