Kooxda Man United waxay heshiis la gaartay weeraryahanka reer Holland Memphis Depay kaasi oo garoonka Old Trafford ku imaan doono 25-milan oo pound marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Hadaba macalin Luis Van Gaal ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa ku qasbay in kooxdiisa ay xili hore Memphis Depay heshiis la gaarto.
Wuxuuna yiri “Waa leyg qasbay inaan heshiis la gaarno Depay, ma rabin inaan xili hore heshiis la gaarno”
“Waxaan rabay inaan diirada saarno kulamada inoo harsan sidoo kalena aan carqalad galinin niyada xidigaha haatan kooxdeyda ku sugan”
“Waayo waxaan kadis ku maqalnay in kooxda PSG ay Depay heshiis la gaari rabto sidaa darteed dadaal adag ayaan sameenay waxaana PSV ku qancinay inay naga iibiyaan sidoo kalena lacagtii ay u baahnaayen ayaan siinay”
Dhanka kale macalin Van Gaal ayaa xidigaha kooxdiisa ku booriyay inay isbadal deg deg ah la imaadaan ka hor kulanka Crystal Palace.
“Ma ahan wax la aqbali karo inaan sedex kulan guul dareesan sidaa darteed kulan Crystal Palace waa inan isbadal la imaano”
“Mana xamili karno inaan markale bandhig xun sameenayo waayo kulamada horyaalka waa gabo gabo mana wanaagsano kooxaha naga hooseeyaan inaan fursad dheeri ah siino”