Home » Horyaalada » La Liga Spain » Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Iyo Rafael Benitez Oo Durba Iska Hor Yimid & Sababta!

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Iyo Rafael Benitez Oo Durba Iska Hor Yimid & Sababta!


Rafa and Perez

Inkastoo macalin Rafeal Benitez dhawaan uu hogaanka kooxda Real Madrid la wareegay hadana fikir ahaan waxay iska hor imaadeen gudoomiye Florentino Perez.

Waxayna labadan shaqsi ku kala aragti duwan yihiin qorshaha Sergio Aguero garoonka Bernabue lagu keenayo waxaana kasoo horjeestay macalin Benetiz.

Balse gudoomiye Perez qorshihiisa wuxuu yahay inuu xagaagan Aguero lacago badan kooxda Man City kasoo iibsado si uu weerarka Real Madrid xili cayaareedka dambe udub dhexaad ugu noqdo.

Laakiin macalin Benitez ayaa qorshahan ka hor imaadeen wuxuuna gudoomiye Perez u sheegay in Alvaro Morata kooxda dib loogu soo celiyo halkii Aguero lacago badan lagu soo iibin lahaa.

Real Madrid waxay Moratta dib kaga soo ceshan kartaa kooxda Juventus hadii ay ku wareejiso £25.5million xagaagan waana arin labada dhinac ay horey ugu heshiiyeen.

Halka Madrid ay ku qasbanaan doonto inay £60m kula soo saxiixato Sergio Aguero madaama kooxda Man City xidigan lacago waali ah ku dooneyso.

Sidaa darteed wargeska AS ayaa sheegay in maal maha nagu soo fool leh ay kulan xasaasi ah wada qaadan doonaan gudoomiye iyo macalin Benitez si ay qorshaha Madrid ee xagaagan suuqa Yurub ku gali doonto ay meel iskula dhigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>