Taageerayaasha kooxda Man United ayaa u eg kuwo madluunsan oo ka fakaraya halka uu noqon doono musaqbalka darbigii xagaagan badbaadiyay ee David De Gea kaas oo si ba’an loola xiriirinayo u dhaqaaqista Real Madrid halkii uu kooxdiisa heshiis cusub siin lahaa.
Th Sun ayaa dhoola cadeyn u ogolaatay kumanaan kun oo Jamaahiir Man United ah kadib markii ay soo gaarsiisay sheeko suuragalnimadeeda aysan cadeyn taasoo ah in David De Gea uu kooxdan baaqi kusii ahaan doono isla markaana uu iska diidi doono dalabka Madrid.
Majaladda The Sun ee England fadhigeedu yahay waxey sheegtay iney warbixin ka heshay ilo ku dhaw goolhaye Davdi De Gea, waxeyna shaacisay in xidigaan uu sii joogi doono Old Trafford isla markaana uu heshiis cusub oo aan la sheegin kooxdiisa u saxiixi dono.
Lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka David De Gea balse The Sun oo ah warbaahiyayaasha ugu xaqiiqda og warbaahinta kubada cagta Ingiriiska ayaa warkaan baahisay iyadoo Jamaahiirta United ay aad u daneynayaan in goolhayahaan uu baaqi sii ahaado.
Ugu dambeyntii hadii De Gea uu baxo waxaa Old Trafford imaan doona midkood Hugo Lloris, Peter Cech, Asamir Begovic iyo Samir Handanovic.