Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Afar Saxiix Sameyn Doonta & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Talaado Ah

Man United Oo Afar Saxiix Sameyn Doonta & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Talaado Ah


Suuqa

Ramadaan Kariim, Jimco wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Talaado ah.


Louis Van Gaal ayaa diyaar u ah inuu lacag badan qarash gareeyo waxaana u calaameysan afar xidig oo waweyn: Ramos, Cillessen, Benzema iyo Schweinsteiger. (Mirror)

Manchester City ayaa mar kale ku celisay iney u dhaqaaqi doonto saxiixa Jack Wilshere hadii ay ku fashilmaan saxiixa Paul Pogba. (The Sun)

Weeraryahanka dhalinta yar ee Hoffenheim Roberto Firmino ayaa wali kala cadeyn halka uu ahaan doono Liverpool iyo Manchester City ayaana ku tartamaya. (Mail)

Kondogbia ayaa ku biiray Inter Milan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Monaco ay saxiixa Wiliam Carvalho kula dagaalmi doonto Arsenal. (Independent)

Arsenal ayaa haatan ugu cad-cad helitaanka Jackson Martinez madama Ac Milan ay ka baxday loolanka xidigaan ay ugu jirtay. (Telegraph)

West Ham ayaa kalsooni ku qabta iney 14 Malyan Oo Pound ku heli karaan weeraryahanka Marsielle Dimitri Payet. (Guardian)

Phil Jones ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Man United xili ay kooxda dagaal ugu jirto saxiixa Sergio Ramos kaas oo la filayo inuu qeyb ka noqdo heshiiska De Gea. (Times)

Daafaca Real Madrid Sergio Ramos ayaa kooxdiisa ka codsanaya iney u ogolaadaan inuu ku biiro Manchester United. (Star)

Manchester United ayaa isku diyaarineysa soo xerogalinta xidiga khadka dhexe xulka Argentina Lucas Biglia waxeyna ogoshahay 18.5 Malyan Oo Pound. (Express)

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>