Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Ku Adkeyneysa Real Madrid & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah

Man United Oo Ku Adkeyneysa Real Madrid & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah


Suuqa

Ramadaan Kariim, Jimco wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo Sabti ah.


Manchestger United ayaa dooneysa markaan iney markaan ku adkeyso Real Madrid iyadoo ka dalbaneysa aduun dhan 35 Malyan Oo Pound si uu rikoorka goolhayaha ugu qaalisan kaga badalo Buffon oo sanadii 2001 Juventus ugu wareegay 32.6 Malyan. (Manchester Evening News)

Robin Van Persie ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisa Bouchra ay go’aanka ugu dambeeya mustaqbalkiisa gaari doonto xili sanad uu kaga haray heshiiska uu kooxda kula jiro. (The Sun)

Manchester City ayaa diyaar u ah iney bixiso lacag dhan 10 Malyan Oo Pound oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiska xidiga Aston Villa Fabian Delph. (Mirror)

Liverpool ayaa markaan dooneysa daafaca midig ee kooxda Atalanta Davide Zappacosta, kaas oo 23-jir ah wuxuuna ka mid ahaa xidigahii Azzurri ee garaacay da’yarta England dhawaan. (Express)

Tottenham ayaa laga yaabaa iney beeca xorta ah ku hesho garabka Ukraine & kooxda Dnipro Yevhen Konoplyanka, wuxuuna usoo duuli doonaa London todobaadka soo aadan. (Eurosport).

Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale wadahadalo la furtay xidiga reer Nigeria Victor Mosses, kaas oo la rajeynayo inuu xagaagan isaga tagayo kooxda Chelsea. (The Times)

Galatasaray oo turkiga ka dhisan ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Arsenal Lukas Podolski kaas oo amaah aan qurux badneyn kusoo qaatay Inter Milan lixdii bilood ee ugu dambeysay. (Mirror)

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>