Daafaca adag ee kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa shaaca ka qaaday cadaawad iyo naceyb u qarsoona oo uu u qabay kooxda Manchester United oo ah koox uu xifaaltan aan heerkeeda la qiyaasi karin kala dhaxeeyo kooxdiisa.
Skrtel ayaa shaaca ka qaaday iney macquul tahay inuu u ciyaaro koox walba oo kale, bale uusan waligiis ku biiri doonin koxda Manchester United.
Skrtel ayaa haatan ka careysan kooxdisa Liverpool kadib markii ay usoo bandhigeen heshiis u cuntami waayay waxaana la hadal hayaa inuu ka dhaqaaqi doono kooxda ka dhisan Anfield Road.
Si kastaba daafacaan reer Slovakia ayaa TV laga leeyahay dalkiisa uu weydiiyay hadii uu quuldareynayo inuu ku biiro Manchester United, balse wuu ku qoslay arinkaas.
“Waa macquul inaan meel kale u guuro, balse United? lagama yaabo waligeed”
Skrtel ayaa noqday daafac ay aad u jeclaadaan tan iyo markii uu sanadii 2008 kaga soo biiray kooxda Zenit St Petersburg ee dalka Ruushka.
Martin Skrtel oo in ka badan 200 kulan u saftay kooxda Liverpool ayaa haatan mustaqbalkiisa shaki la galinayaa.
Ugu dambeyntii Skrtel ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka adag ee ay xulkiisa axada la yeelan doonaan Macedonia isreeb-reebka Euro 2016.