Xili cayaareedkii 2014/15 waxaa si xarago ku dheehan koobka horyaalada Yurub ugu guuleesatay naadiga Barcelona.
Hadaba shabakada UEFA ayaa shaaca ka qaaday xili cayaareedka dambe 2015/16 waxyaabaha tartankan qiimaha badan xiisaha dheeriga ah usii yeeli karaan waxaana ka mid ah:
Kooxaha FC Barcelona, FC Porto iyo Real Madrid waxay xili cayaareedka dambe Champion-ka qaybtiisa Guruubyada ka qayb qaadan doonaan markoodii 20-aad waana iskoor sedexdaan naadi gaar u noqon doono.
Real Madrid iyadana sanadkii 19-aad oo xariir ah ayay tartankan ka qayb qaadan doontaa waxayna iskoorkan kaga sara mari doontaa Man United oo horey 18-sano oo xariir ah tartankan ka qayb qaadatay.
Kooxda Borussia Mönchengladbach waxay noqon doontaa naadiga 11-aad ee reer Jarmal ah taasi oo Champion-ka ka qayb qaadato kaliya dalka Spain ayaa taariikh ahaan kaga badan waxaana tartankan kaga qayb qaateen Spain 13-naadi oo kala duwan.
Kooxaha Koobka Horyaalada Yurub ugu guuleesteen taariikh ahaan ee xili cayaareedka dambe qaybta guruubyada sida tooska ah uga soo muuqan doonaan waxaa ka mid ah:
Real Madrid CF (10)
FC Bayern München (5)
FC Barcelona (5)
Juventus (2)
SL Benfica (2)
FC Porto (2)
Chelsea FC (1)
PSV Eindhoven (1)
Kooxaha tartankan horey ugu guuleesteen balse qaybta isreeb reebka kasoo bilaabi doonaan xili cayaareedka dambe waxaa ka mid ah:
AFC Ajax (4)
Manchester United FC (3)
Celtic FC (1)
FC Steaua București (1)
La Soco Macluumaad kale oo xiiso badan kaasi oo Champion-ka gaar u ah xili cayaareedkiisa dambe.