Weeraryahanka reer Argentina ayaa rikoor cusub kusoo kordhin doono koobka horyaalada Yurub hadii uu sabtiga nagu soo fool leh kooxda Juventus gool ka dhaliyo.
Xidigan hormuudka u ah kooxda Barcelona ayaa noqon doono cayaaryahankii ugu horeeyay ee tartankan sida loogu bixiyay UEFA Champions League sedex Final oo kala duwan goolal ka dhaliyo!
Asigoo 27-jir ah xidigan welina kubada cagta mudo dheer kusii jiri karo wuxuu tartankan qiimaha badan ku guuleestay 3-jeer!
Hadaba ilaa haatan xidigo badan ayaa Labo Final oo kala duwan tartankan goola ka dhaliyeen waxayna kala yihiin:
Lionel Messi (FC Barcelona 2009, 2011)
Raúl (Real Madrid CF 2000, 2002)
Samuel Eto’o (FC Barcelona 2006, 2009)
Cristiano Ronaldo (Manchester United FC 2008, Real Madrid CF 2014)
Alfredo Di Stéfano (Real Madrid CF 1956, 1957, 1958, 1959, 1960): waxaa u yaalo iskoor lama taabtaan a madaama 5-final oo xariir ah uu tartankan goola dhalinaayay balse waa ka hor inta aan UEFA Champions League loo bixinin!
muse faahiye
2-June-2015 at 2:29 pm
wuu ka dhalinayaa