Kooxda Barcelona ayaa sidii la filaayay si awood ku dheehan tartanka Copa del Rey kaga qaaday naadiga Athletico Bilbao.
Kulankan xiisaha badan Barcelona ayaa guusha ku qaadatay 3-1 waxayna midaan ka dhigan tahay in Barcelona ay ku guuleesatay xili cayaareedkan labada koob ee dalka Spain laga cayaaro madaama ay horey La Ligaha ugu guuleesatay.
Barcelona waxay ku guuleesatay markeedii 27-aad Copa del Rey waxaana guushan ka caawiyeen MSN sida joogtada ahayd.
Kulankan Messi ayaa mucjiso markale dhigay madaama uu labo gool dhaliyay weliba mid ka mid ah goolasha wuxuu ahaa gool aad u qurux badan.
Sidoo kalena Neymar dhalintiisa wanaagsan ayuu wadaa madaama uu Barcelona gool muhiim ah u dhaliyay halka Luis Suarez uu bandhig wanaagsan sameeyay sidoo kalena caawinaad ka geestay goolka Neymar.
Kulan xiisaha badan Luis Suarez ayaa kusoo bilaawday inkastoo weeraryahankan labadii kulan ee ugu dambeesay kooxdiisa Barcelona dhaawac dhanka muruqa ah kaga maqnaa.
Barcelona ayaa dar dar kulankan ku bilaawday waxaana laga diiday kooxdan gool daqiiqadii 10-aad ee uu dhaliyay Neymar asigoo baas ka helay Messi balse kubada Offside ayay noqotay.
Kooxda Athletico Bilbao xili hore ayay daafac gashay madaama ay cabsi weyn ka qabtay weeraryahanada Barcelona.
Luis Suarez ayaa laga celiyay kubad gool loo filan karay daqiiqadii 11-aad laad xoogan ayuu goosha la helay dhanka midig balse goolhaye Herrerin ayaa lugaha ku celiyay kubada jooga hoose ku socotay.
Daqiiqadii 20-aad ayay cayaarta waji kala yeelatay waxaana mucjisadii lagu yaqiinay lasoo baxay Lionel Messi oo dhaliyay gool aad u qurxoon.
Messi ayaa kubada dhanka midig kala soo galay wuxuuna dhex qaaday oo si qurux badan uga xirfadeestay sedex ka mid ah daafacyada Athletico Bilbao kadibna laad xoogan ayuu goosha la helay!
Goolhaye kooxda Bilbao Herrerin ayaa aad u mashquulay wuxuuna ku dadaalay inuu weerarka Barcelona iska dhiciyo hadii uusan asiga ahaan laheyn xili hore ayaa Bilbao la kala diri lahaa.
Ugu dambeyntii adkeysiga Bilbao waxaa soo afjaray Luis Suarez oo kubad I dhali ah siiyay Neymar iyo goosha xidiga reer Brazil ayaa si dagan shabaqa ugu hubsaday.
Sidoo kale kubadan waxaa markii hore baas isku taabasho ah daafacyada kooxda Athletico Bilbao ku qaldeen Rakatic iyo Messi kadibna Suarez ayaa dhex ka dhiib Messi ka helay isagana si deeqsinimo ku dheehan ayuu Neymar u siiyay wuxuuna Neymar cayaarta ka dhigay 2-0 daqiiqadii 36-aad.
Qaybtii hore kulankan waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heesay kooxda Barcelona sidoo kalena aad u gacan sareesay una muuqatay koox ka go’an inay Copa del Rey gacanta ku dhigto.
Qaybta labaad ee kulankan xiisaha badan Barcelona ayaa la timid kubad dagan si ay goolasheeda u ilaashato.
Sidoo kale kooxda Athletico Bilbao ayaa dadaal wanaagsan la timid balse xidigaha Barcelona ayaa cayaareen qaa difaac adag taasi oo Bilbao u suura galin weesay inay fursado badan sameeyaan.
Cayaarta oo la isku dhagan yahay waxaa dhinac u riday Lionel Messi oo 3-0 ka dhigay daqiiqadii 74-aad xidiga reer Argentina ayaa lugta bidix la helay kubad uu Dani Alves dhanka midig kasoo dhigay wuxuuna Messi kaga hormaray labo ka mid ah daafacyada Athletico Bilbao asigoo gool u badalay kubadii Alves oo dhigay.
Taageerayaasha Barcelona ayaa bilaabeen inay dabaal deg xoogan sameeyaan madaama ay cayaarta awood ahaan kooxdooda la wareegtay.
Sidoo kalena macalin Luis Enrique isagana xidigahiisa muhiimka ah ayuu badalay waxaana la bixiyay Jordi Alba iyo Luis Suarez si ay u nastaan waxaana badalkooda garoonka soo galeen Jérémy Mathieu iyo Pedro.
Kooxda Athletico Bilbao ayaa gool muhiim ah la timid daqiiqadii 80-aad waxaana cayaarta 3-1 ka dhigay Iñaki Williams oo madaxa si fiican ugu wareejiyay kubad lasoo karoosay.
Cayaarta ayaa xamaasad yeelatay waxayna xidigaha Bilbao bilaabeen inay dadaal dheeri ah sameeyaan si ay Barcelona nasiino ugu diidaan.
Qaybihii ugu dambeeyay kulankan kooxda Barcelona ayaa ku dadaashay inay kubad weerar celis ah cayaarto.
Sidoo kalena Bilbao uma suura galin inay goolasha iska soo gudo inkastoo ay kooxdan dadaal wanaagsan sameesay.
Ugu dambeyntii Barcelona ayaa guusha ku qaadatay 3-1 sidoo kalena ku guuleestay tartanka Copa del Rey.
Waxayna Barcelona isku diyaarin doontaa todobaadka dambe Finalaha Champions League oo ay la cayaari doonto kooxda Juventus.
saleebaankaafi:liverpool
31-May-2015 at 1:33 am
Guul barca waxaan u rajaynayaa koobab kale balse hiilkubad. Com waxaan waydiinayaa sabta ay ugu hadli waayeen guusha ay somaliland kagaa dhay dhigeeda nageria iyo wacdarii ay muujiyeen xidigaha jamhuuriyda somaliland viva somaliland and barca