Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka France Morgan Schneiderlin ayaan soo xaadirin tababarka kooxdiisa Southampton xili siweyn loola xariirinaa inuu naadiga Man United ku biiri doono.
Qaar ka mid ah saxaafada Ingiriiska ayaa qortay in Morgan Schneiderlin uu ka careesan yahay dalabka 25-milyan oo ay kooxdiisa Man United ka diiday.
Sidaa darteed gadood ayuu bilaabay wuxuuna maamulka Southampton ku qasbi doonaa maal maha nagu soo fool leh inay Man United ka iibiyaan.
Laakiin macalin Ronald Koeman ayaa beeniyay in Morgan Schneiderlin uu gadoodsan yahay wuxuuna maqnaanshaha xidigan u yeelay cudur daar.
Macalin Koeman wuxuu yiri “Morgan xanuun yar ayaa asiibay tababarka wuu soo xaadiri doonaa sidoo kalena kooxdiisa wuxuu ula safri doonaa dalka Austria”
“Xaalada Morgan qof walbo ayaa ka warqabo mana ka hor istaagi doono rabitaankiisa hadii ay koox weyn soo dalbato”
“Balse waa muhiim lacagaha aan ku dooneyno xidigan inaan helno hadii kale garoonka San Miro ayuu sii joogi doonaa”
Morgan Schneiderlin xaalad adag ayuu ku sugan yahay waxayna kooxdiisa Southampton ku heesataa madax furasho ayadoo ku dooneyso lacago aad u badan taasi oo sababi karto inuusan xagaagan kooxdiisa ka hayaamin.