Dowladda dalka Marocco ayaa ku baaqday in dib loo dhigo koobka Qaramada Qaarada Afrika 2015 taasoo martigalinteeda ay qaban qaabineyso kadib markii galbeedka Afrika uu ka dilaacay cudurka Ebola oo galaaftay in badan oo ka tirsan dadyowga Africa.
Tartankaan waxaa lagu balansan yahay in dalkaan Waqooyiga Afrika ku yaala uu ka qabsoomo inta u dhaxeysa January 17-keeda iyo bisha February 8-deeda.
Sidoo kale cabsi badan ayaa soo wajahi karta ciyaartoyda Afrika ee ka ciyaara Premier League, iyadoo ay koobkaas ka qeyb gali karaan xidigo ay ka mid yahiin: Yaya Toure, Victor Moses, Wilfried Bony & Papiss Cisse.
Wasaarada Caafimaadka Dowladda Marocco ayaa warbixin u gudbisay Dowladda iyadoo ugu baaqeysa in laga feejignaado halista cudurka Ebola ee ka imaan karta dalalka ka qeyb galaya koobkaan ee uu saameeyay cudurkaan.
Ugu dambeyntii cabsida Marocco ay qabto ayaa ah mid sii xoogeysaneysa waxaana ilaa iyo bilowga sanadkaan u geeriyooday 4,000 qof, wadamada uu saameeyay waa galbeedka Afrika.