Kooxda Napoli ayaa qarka u saaran inay Semi-finalaha tartanka UEFA Europa League madaama lugtii 1-aad wareega 8-aad ee tartankan ay siweyn ugu bar baratay kooxda reer Jarmal Wolfsburg.
Kulankan xiisaha badan ayaa ka dhacay garoona Wolfburg balse 4-1 waxaa guusha ku qaadatay Napoli oo labo cad ka kala dhigtay naadiga kaalinta labaad kaga jirto Bundesligaha Jarmalka xili cayaareedkan.
Gonzalo Higuain ayaa hogaanka u dhiibay Napoli daqiiqadii 15-aad wuxuuna xidigan dhaliyay kubad aad u qurxoon goolkan ayaa u ahaa midkii 7-aad ee uu tartankan ka dhaliyo xili cayaareedkan.
Markale Higuain ayaa kubad dhex ka dhiib ah siiyay Marek Hamsik oo si qurxoon gool ugu badalay baaskii quruxda badnaa ee la siiyay daqiiqadii 23-aad.
Wolfsburg waaga ayaa ku baryay madaama labo gool oo deg deg ah laga dhaliyay waxaana qaybtii hore lagu kala natay 2-0.
Markii la isku soo laabtay Wolfburg ayaa bilaawday weerar aan kala joogsi laheyn balse kooxda Rafeal Benitez leyliyo ayaa kubad weerar celis ah cayaartay.
Waxaana u suura gashay in goolkii 3-aad ay helaan waxaana cayaarta 3-0 ka dhigay Hamsik daqiiqadii 64-aad waxaana Wolfsburg ku dhacay qalbi jag xoogan.
Napoli intaas kuma hakanin waxaana cayaarta 4-0 ka dhigay Gabbiadini daqiiqadii 76-aad tani waxay u noqotay guul weyn balse hal gool oo agoon ah Wolfsburg waxaa daqiiqadii 80-aad u dhaliyay Nicklas Bendtner oo badal kusoo galay.
Napoli ayaa guusha ku qaadatay 4-1 waxaana lugta labaad todobaadka dambe lagu cayaari doonaa garoonka Napoli oo haatan fursad fiican u heesato inay Semi Finalaha Europa League iska xaadiriso.
Dhanka kooxda Sevilla ayaa si dhab badan 2-1 kaga badisay naadiga Zenit kulan ka dhacay dalka Spain waxaana Sevilla u suuqa gashay inay qaybtii labaad laba gool la timaado madaama goolka laga hor mariyay waxaana u dhaliyeen Carlos Bacca daqiiqadii 76-aad iyo Denis Suarez iyo daqiiqadii 88-aad kooxdiisa guul siiyay.
Geeska kale naadiga Fiorentina ayaa bar bar dhac 1-1 la gashay kooxda Dynamo Kiev wuxuuna kulan ka dhacay dalka Ukraine weliba Violla ayaa heshay goolka bar bar dhac daqiiqadii 90-aad waxaana u dhaliyay Khouma Babacar. Fiorentina faa’iidada ay qabto ah in lugta labaad garoonkeeda lagu cayaari doono todobaadka dambe.
Ugu dambeyntii kooxda Club Bruge (Belgium) iyo Dnipro (Ukraine) 0-0 ayay ku kala baxeen kulan ka dhacay garoonka Club Bruge waxaana todobaadka dambe lagu kala bixi doonaa garoonka naadiga Dnipro.