Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Faransiiska xidiga kooxda Newcastle United Papiss Cisse ayaa ku aqal galay magaalada Paris isagoon ogeysiin gabadha uu saaxiibka la ahaa labadii sano ee lasoo dhaafay.
Xidigaan Newcastle ayaa guursaday gabar ciyaarta ciyaarta Volleyball-ka oo lagu magacaabo Diallo Awa, balse uma sheegin gabadha Model-ka ah ee Rachelle Graham taas oo uu saaxiibka la ahaa labadii sano ee lasoo dhaafay.
Gabadhaan model-ka ah ayaa ku baraarugtay sawiro ay ka aragtay aaladaha ay bulshada ku xariiraan ee facebook-ga iyo Instagram-ka waxeyna ku noqotay arin lama filaan ah.
“Wey i dhaawacday waana dhibsaday in Pappis uu guursaday isagoo i ogeysiin kadib mudo laba sanadood ah oo aan waqti isla qaadanay”
Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in xidigaan uu Paris usoo dhoofay 30-kii May, gabadha uu jaceylka la wadaagayay mudooyinkii dambe ee Rachelle Graham ayaana shumisay iyadoo si kalgaceyl leh u macsalaameysay Cisse.
Shaqsi u dhaw Rachelle ayaa saxaafada u sheegay in Cisse qoyskiisa ay mar walba jeclaayeen inuu guursado gabar Muslim ah oo kasoo jeeda Africa.
Ugu dambeyntiina arinta kala geysay labadaan lamaane ayaa la xiriirta mid diimeed iyadoo saaxiibsadiisa kooxda ay sheegeen inuu shanta salaadood tukado sidoo kalana uusan jecleyn inuu cabo qamriga.
RACHELLE GRAHAM: Gabadha Uu Labadii Sano Ee Lasoo Dhaafay Jaceylka La Socday Cisse