Ramadaan Kariim, khamiis wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.
Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo khamiis
Manchester United ayaa doonaysa in ay iska iibiso weeraryahanka 31-sano jirka ah Robin van Persie tan iyo bishii Janaayo, sida laga soo xigtay ciyaaryahankii hore ee isku kooxda ahaayeen ee Pierre van Hooijdonk. (Daily Mirror)
kooxda Besiktas ayaa rajeyneysa inay lasaxiixato kuna qanciso horyaalka dalka Turkiga Van Persie ka hadii uu tago Old Trafford,. (Sun – Times)
manchester united ayaa dhegeeda Fenerbahce ka diiday dalab 3.5malyan oo gani oo ay kudoonaysa xidiga amaahda kaga maqnaa ee man united Nani.
Weeraryahanka Monaco oo xagaagii hore kufashilmay in uu boos joogto ah kahelo kooxda manchester united Radamel Falcao, ayaa dhameystirtay ku biiriiritaanka kooxda Chelsea, sida lagasoo xigtay qoyskiisa.
Manchester City oo sii calaamaysatay xidigii hore ee chelsea haatana shaqo wanaagsan uqabtay kooxda Wolfsburg Kevin De Bruyne hadii ay ku guuldaraysato dagaalka aykulajirto kooxda barcelona oo ay isku haystaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba (Daily Mail)
Aston Villa ayaa ku dhow inay kulasoo wareegto 6.5 milyan ginni ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Senegal Idrissa Gueye, taas oo ay keeni karto bixitaanka Fabian Delph. (Sun – Times)
Thomas Muller,Oo rajo beel kuriday kooxda manchester united una sheegay in uu ku faraxsanyahay kasii mid ahaasha kooxdiisa Bayern Munich”(Daily Express)
Chelsea oo dhigeeda stock city kala heshiisay koolhayeheeda 28-sano jir ah Asmir Begovic kaas oo qiima ahaan ku kacaya lacagdhan £ 8m. (Daily Telegraph)
Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka Aston Villa Christian Benteke. (Talksport)
Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa lagu wadaa inuu wadahadalo lafuro kooxda Atletico Madrid taas oo ay kudoonayso saxiixa daafaca 26-sano jir ah Toby Alderweireld, Oo xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Southampton (London Evening Standard)
Kooxda West Ham United ayaa lagu wargaliyay qiimaha ay ku qaadan kartao daafaca kooxda Dynamo Kiev Aleksandar Dragovic. (Daily Telegraph)
Sunderland ayaa rajeyneysa in ay ku garaaceen Newcastle United saxiixa amaahda ah ee xiddiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Marco van Ginkel. (Voetbal International)
kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa wada gaareen heshiis labo geesood ah kaasi oo qayaxaayo in Paul Pogba aan naadi kale xagaagan laga iibin. Wargeska Mundo Deportivo ayaa sheegay in madax ka socdeen naadiga Barcelona ay todobaadkan ku sugnaayeen madaama Turin waxayna ku guuleesteen in ay wada gaaraan heshiis taariikh. ( Mundo Deportivo