Premier League-ga ayaa berito oo jimco ah bixin doona abaalmarinta xidiga iyo macalinka sanadka horyaalka waxaana u sharaxan 13-shaqsi oo labada dhinac ah.
Ilaa Shan tababare ayaa ah musharaxiinta macalinka sanadka waxaana kasoo muuqday Ronald Koeman oo kooxdiisa u suuragaliyay iney tartamada yurub kasoo qeyb gasho xili ay kooxda weysay xidigo muhiim ah sida Lovren, Lambert, Shaw iyo Lallana.
Garry Monk oo Swansea ah ayaa ku jira liiska kaas oo dhibcihii ugu badnaa ebid ay kooxdaan kasoo xareysay horyaalka u keenay, halka Jose Mourinho isna uu liiska soo galay madama uu Chelsea u suuragaliyay ku guuleysiga Horyaalkoodii 4-aad iyo koobka League cupka.
Nigel Pearson oo Leicester City maamula ayaa sidoo kale ka mid ah, madama uu kooxda kasoo qaaday heerka ugu hooseeya kala sareynta isagoo keeentay meel wacan, halka Wenger oo markii 18-aad oo xiriir ah Arsenal u suuragaliyay ka qeyb galka Champions League-ga uu isna ku jiro.
Dhanka kale musharaxiinta ciyaartoyda waxaa ka mid ah afar ciyaartoy oo Chelsea ah waana Terry, Matic, Fabregas iyo Hazard waxaana sidoo kale ku wehliya David De Gea oo ka tirasn Man United, Alexis Sanchez oo Arsenal ah, Harry Kane oo Spurs ka tirsan iyo Aguero.
Ugu dambeyntii berito ayaa la bixin doonaa abaalmarinta subaxda hore, waana la arki doonaa shaqsiyaadkii ku guuleysta abaalmarinadaas.