Kooxda Liverpool waxay ku sugan tahay xaalad dhib badan mana la qiyaasi karo inay xidigeeda ugu muhiimsan Raheem Sterling xagaagan ceshan karto.
20-jirkan si cad ayuu kooxdiisa kaga dalbaday in xagaagan la iska fasaxo madaama uu garoonka Anfield u arko garoon riyadiisa aysan ugu rumoobi Karin.
Hadaba wararka ku aadan mustaqbalka xidigan ayaa sheegayo in kooxda Man City ay haatan hogaanka u heyso saxiixa Sterling.
The Sun ayaa sheegay in Man City ay saxiixa xidigan dhalinta yar ugu tala gashay 50-milyan oo pound waana qiimaha ah Liverpool laacibkan kaga samri karto.
Sidoo kale kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa iyagana qal qaalo xoogan ugu jiraan helitaanka Sterling oo ka mid ah dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub.
Inkastoo saxaafada Ingiriiska badankooda isku raacday in Sterling uu xagaagan kooxdiisa ka tagi doono hadana dhamaan kooxaha doonayaan laacibkan ma rabaan inay qaadaan talaabo aysan raali ka ahayn kooxda Liverpool.
Waxayna dhamaan kooxahan sugi doonaan horaanta bisha June oo ah xiliga Liverpool ku dhawaaqi doonto inay Sterling iibin doonto.
Dhanka kale The Express ayaa sheegay in Liverpool aysan haatan heesanin xal aan ahayn inay Sterling lacago badan dhaafsato marba hadii xidigan uusan rabin inuu Anfield sii joogo.