Home » Maxaa Cusub » Raheem Sterling Wuxuu Diiday Inuu Kooxdiisa Liverpool Tababarka La Qaato Iyo Taariikh Ahaan Xidigaha Sidiisa Oo Kale Gadood Sameeyeen

Raheem Sterling Wuxuu Diiday Inuu Kooxdiisa Liverpool Tababarka La Qaato Iyo Taariikh Ahaan Xidigaha Sidiisa Oo Kale Gadood Sameeyeen


article-3153513-2A573F3500000578-374_964x436

Xidiga dhalinta yar Raheem Sterling ayaa muran badan ka dhaliyay gudaha garoonka Anfield kadib markii uu diiday inuu kooxdiisa tababar la qaato sidoo kalena uu ka mid noqdo xidigaha macalin Rodgers uu Bariga fog safar cayaareed ugu wadan doono.

Raheem Sterling qorshihiisa waa mid cad wuxuuna doonayaa inuu Liverpool ku caaadiyo sidii kooxda Man City looga iibin lahaa halka safar cayaareed loo wadi lahaa.

Hadaba Raheem Sterling falka uu ku kacay ayaa dib u xasuusiyay saxaafada Ingiriiska xidigo hada ka hor falkan oo kale ku kaceen si ay kooxahooda isaga fasaxaan, waxaana xidigahaas ka mid ah:

Dwight Yorke (Aston Villa): waxaa xagaagii 1998 £12.6m looga iibiyay Man United

Nicolas Anelka (Arsenal): waxaa xagaagii 1999 £22.3m looga iibiyay Real Madrid

Pierre Van Hooijdonk (Nottingham Forest): Xagaagii 1998 waxaa £3.5m looga iibiyay naadiga Vitesse

Dimitar Berbatov (Spurs): Xidigan ayaa Man United £30.75m ku aaday saacidihii ugu dambeeyay suuqa

William Gallas (Chelsea): xagaagii 2006 wuxu ku biiray kooxda Arsenal

Robbie Savage (Birmingham): Xidigan waxaa £3m looga iibiyay naadiga Blackburn Rovers

Peter Odemwingie (West Brom): Kooxda Cardiff City £2.25m ku qaadatay September 2013

Clint Dempsey (Fulham): xidigan xagaagii 2012 wuxuu ku biiray naadiga Tottenham

Carlos Tevez (Manchester City): Xidigan ayaa si waji xumo ah naadiga Juventus

Luis Suarez (Liverpool): Xagaagii 2013 Suarez wuxuu diiday inuu tababar la qaato Reds kaligiis ayaana tababar qaadan jiray balse ma bixin isla sanadkaas sanadkii xigay ayuu baxay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>