28-jirka reer Chile Arturo Vidal ayaa sameeyay fal laga naxay xiligii uu socday tartanka Copa America kadib markii uu shil la galay gaarigiisa raaxada Ferrari xili saq dhexe ah sidoo kalena Vidal wuxuu cabsanaa Aalkolo.
Arturo Vidal ayaa ahaa ganaax suge sidoo kalena wuxuu muteesan karay ciqaab uu xabsi ku gali karay.
Balse haatan maxkamada sare ee dalka Chile ayaa soo saartay xukuna Vidal waxaana xidigan lagu ciqaabay 2-sano inuusan baabuur wadi karin.
Arturo Vidal 17-bishii June ayuu shilkan baabuur galay isaga wuu ka bad baaday wax dhibaato ah ma gaarin balse xaaskiisa dhaawac dhanka xusulka oo fudud ayaa soo gaaray.
Vidal waxaa laga ganaaxay inuusan mudo labo sano ah adeegsan karin shatigiisa baabuurka sidoo kalena waxaa lagu amray inuu lacago ugu deeqo bulshada uu dhibaatada u geestay alaabahooda kala duwan.
Vidal sidoo kale labo ka tirsan booliska ayuu aflagaado u geestay xiligii uu shilkan dhacay waxaana haatan lagu amray inuu raali galin guud bulshada horteeda ka siiyo labada masuul ee uu sharafkooda meel kaga dhacay.