Da’yarka kooxda PSV Eindhoven Memphis Depay ayaa caafimaadka u mari doona maanta kooxda Manchester United ka hor inta uusan dhameystirin heshiiska uu ugu wareegayo kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford sida ay shaacisay Sky Sports.
Marka uu xidigaan reer Holland ka gudbo caafimaadka, heshiiska intiisa kale ayaa la dhameyn iyadoo la xaqiijin doono ama lagu dhawaaqi doono maalinta ugu horeysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee 1-da July.
21-jirkaan heerka caalami wuxuu muujiyay xagaagan dhamaadka ah awood dheeri ah madama uu 22-gool u dhaliyay kooxdiisa kulamada horyaalka sidoo kalana wuxuu ka saaciday iney horyaalka Holland ku guuleysato mudo kadib.
Memphis Depay aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu ka mid noqdo kooxda Manchester United isagoo ku kalsoon inuu boos joogto ah ka heli doono kooxda Louis Van Gaal.
Ugu dambeyntii maanta galinka dambe ayey United shaacin doontaa arintaan caafimaadka Depay la xiriirta hadii uu ku guuleysto iyo hadii uu ku guuldareysto.
Siciid neymar
18-May-2015 at 4:05 pm
Welcome new cr7 depay saaaxirka gambiska