Kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay dhameestirtay saxiixyada xidigaha kala ah Montoyo iyo Murrillo.
Inter Milan ayaa qoraal rasmi ah ku sheegtay in xidiga reer Colombia Jeison Murillo ay heshiis 4-sano ah la gaartay.
Daafacan dhexe ee awooda badan Inter Milan wuxuu heshiis hordhac ah la gaaray bishii Febraayo ee bilawgii sanadkan balse haatan ayuu si rasmi ah garoonka San Serio ugu soo biiray.
Inter Milan waxay €8 million kaga soo qaadatay xidigan naadiga Granada wuxuuna qiimahiisa gaari doonaa ilaa €10M hadii uu Inter guulo gaarsiiyo.
23-jirkan ayaa lagu wadaa inuu xaliyo dhibaatada Inter daafaha ka heesatay xili cayaareedkii hore wuxuuna ka garab cayaari doonaa Miranda oo isagana dhawaan naadiga Atletico kaga soo biiray Inter.
Dhinaca kale Inter Milan ayaa ku guuleesatay saxiixa daafaca garabka midig ee naadiga Barcelona Martin Montoya.
Wuxuuna xidigan dhalinta yar Inter u saxiixay heshiis 2-sano oo amaah ah balse Inter waxay xaq u lahaan doontaa inay heshiiskiisa mid joogto ah u badasho hadii uu anfaco.
24-jira reer Spain Barcelona koobab badan ayuu kula guuleestay balse Inter Milan wuxuu ku doortay inuu boos joogto ah ka heli doono madaama Barcelona booskiisa uu kaga horeeyo Dani Alves.