Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Juventus Oo Dhameestirtay Saxiixa Weeraryahanka Awooda Badan Simone Zaza

Rasmi Juventus Oo Dhameestirtay Saxiixa Weeraryahanka Awooda Badan Simone Zaza


Sasa

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday heshiis ay la gaartay weeraryahanka xulka Italy iyo naadiga Sassuolo Simone Zaza.

Simone Zaza waxaa milkiyadiisa isla lahaayeen Juve iyo Sussoulo balse haatan Juve ayaa si toos ah milkiyadiisa ula wareegtay waxayna xuquuqda xidigan Juve kula wareegtay €18 million.

Simone Zaza ayaa haatan qalinka ku duugay heshiis 5-sano ah wuxuuna xidigan heli doonaa fursad uu Juve xili cayaareedka cusub ugu cayaaro madaama Carlos Tevez uu kooxdan ka hayaamay.

24-jirkan ayaa xili cayaareedkii dhawa bandhig wanaagsan ka sameeyay Serie A-da Talyaaniga wuxuuna midaas ku muteestay in macalin Antonio Conte uu xidigan si joogto ah xulka Italy ugu cayaaro.

Simone Zaza ayaa naadiga Sassoulo ka tirsanaa intii u dhaxeesay 2013 ilaa 2015 wuxuuna kooxdan u saftay 69-kulan dhamaan tartamada kala duwan asigoo u dhaliyay 21-gool.

Sidoo kale xulka Italy wuxuu xidigan u cayaaray 5-kulan asigoo u dhaliyay 1-gool haatana wuxuu waa cusub kaga bilaaban doonaa naadiga Juventus oo la filaa inuu xili cayaareedka cusub ka dhex muuqdo.

Macalin Allegri ayaa taageero weyn u ah Simone Zaza waxaana la filaa xidigan in door muhiim ah ka cayaaro qorshaha u dagsan Juventus xili cayaareedka nagu soo fool leh 2015/16.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>