Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Kooxda Liverpool Oo La Saxiixatay James Milner & Sababaha Uu Kooxdan Ku Doortay Oo La Ogaaday

Rasmi: Kooxda Liverpool Oo La Saxiixatay James Milner & Sababaha Uu Kooxdan Ku Doortay Oo La Ogaaday


Milner Liverpool

Liverpool ayaa dhameystirtay saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Manchester City diiradana u saarnaa Arsenal Ee James Milner.

Xidigaan reer England wuxuu si rasmi ah Liverpool uga mid noqon doonaa 1-da July markaas oo uu dhamaanayo heshiiska uu ku jooro Manchester City, wuxuuna u mari doonaa tijaabo caafimaad.

Sida la aaminsan yahay xidigii hore Leeds, Newcastle iyo Aston Villa ayaa ku biiri doona kooxda Anfield ka dhisan isagoo isbuucii qaadan doona aduun dhan 150,00 kun oo Pound.

29-jirkaan heerka caalami wuxuu iska diiday heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay Manchester City, balse wuxuu doonayaa inuu boos joogto ah ka helo kooxda.

Sababta rasmiga ah ee xidigaan ku qasabtay inuu iska diido mushaarka faraha badan ee Manchester City ayaa ah in xidigaan uu boos joogto ah helo isagoo rajo weyn ka leh inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka Ingiriiska.

Ugu dambeyntii Milner ayaa doonaya inuu kasoo muuqdo koobka Euro 2016 oo ay ka harsan tahay kaliya 12-bilood.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>