Home » Maxaa Cusub » Rasmi: Manchester United Oo Dhameystirtay Saxiixa Da’yarkii PSV Eindhoven Memphis Depay (+Sawiro)

Rasmi: Manchester United Oo Dhameystirtay Saxiixa Da’yarkii PSV Eindhoven Memphis Depay (+Sawiro)


1

Manchester United ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa da’yarkii PSV Eindhoven Memphis Depay, wuxuuna xidigaan saxiixay heshiis afar sano ah isagoo sidoo kale dooq u heysta inuu sanad dheeraad ah kusii daro inta lagu guda jiro mudada afarta sano ah.

Memphis Depay wuxuu u saftay kooxdiisa PSV 24-kulan tan iyo markii uu usoo dalacay kooxda waaweyn, wuxuuna shabaqa gaaray 50-jeer, sanadii 2011 ayuuna saftay kulankiisii ugu horeeyay koxda waaweyn.

Depay xili ciyareedkii haatan dhamaaday wuxuu kooxdiisa u suuragaliyay iney u guuleysato horyaalka Holland sidoo kalana wuxuu qaaday gooldhalinta horyaalka Holland isagoo dhaliyay 22-gool, 30-kulan oo uu saftay.

Dhanka kale Memphis Depay wuxuu 16-kulan u saftay Holland, sidoo kalanw xuuu dhaliyay 3-gool, sidoo kalana wuxu ka mid ahaa sadexdii ciyaartoy ee isugu soo haray abaalmarinta da’yarka ugu fiican koobki Aduunka ee ku dhamaaday Brazil sanadii hore.

“Waa riyo ii rumowday inaan u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida kubada cagta iyo inaan fursad u helo inaan la shaqeeyo qofka aan aaminsanahay inuu yahay macalinka ugu wanaagsan dunida, Louis Van Gaal. waxaan si dhab ah ugu kalsoonahay awoodeyda, waxaana doonayaa inaan si awood leh riyadeyda u rumeeyo” ayuu yiri Memphis Depay.

“Waxaan ka mid ahaa PSV tan iyo 12-jirkeygii, waxaan jeclahay inaan wax walba uga mahad celiyo, waxey aheyd waqti weyn inaan ku guuleysano Horyaalka Holland, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan qeyb ka ahaado. haatan waxaa ii bilaabanaya cutub cusub oo nolosheyda ah waana inaan horay u socdaa”

Ugu dambeyntii Memphis Depay ayaan la shaacin numberka uu xiran doono, inkastoo aan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee shaaca laga qaadi doono.

15 14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>