Home » Europe » Champions League » Rasmi: Michel Platini Oo Markii Sedexaad Loo Doortay Inuu UEFA Sii Hogaamiyo

Rasmi: Michel Platini Oo Markii Sedexaad Loo Doortay Inuu UEFA Sii Hogaamiyo


platini

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta qaarada Yurub (UEFA) Michel Platini ayaa markii sedexaad loo doortay inuu hormuud ka ahaado ururkan awooda badan.

Shirweyne ka dhacay magaalada Vienna ee dalka Austria waxaa soo xaadireen dhamaan 54-xubnood ee ku mideesay UEFA waxayna cod buuxdo kursiga sare ugu doorteen inuu kusii fadhiyo Michel Platini oo la waayay musharaxa la tartamo.

Michel Platini ayaa UEFA sii hogaamin doono 4-sano ee nagu soo fool leh wuxuuna masuulkan u mahad celiyay dhamaan xubnaha UEFA oo si kalsooni ku dheehan codkooda u siiyeen.

“Aadbaa u mahad santihiin, tani waxay ii leedahay micno wey in mar sedaxaad kursiga ugu sareyso UEFA la ii doorto”

“Waan ku faraxsanahay inaa kalsoonidiisa helo sidoo kalena waxaan rajeynaa inaan shaqo fiican wada qabano mustaqbalka dhow iyo midka fog waxaana na hor yaaliin hawlo culus”

Michel Platini sanadii 2007 ayaa marki ugu horeesay loo doortay masuulka ugu sareeyo Yurub kulan ka dhacay markaas magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka.

Sidoo kalena 4-sano kadib waxaa markale lagu doortay magaalada Paris haatana markii uu waqtigiisa dhamaaday waxaa loogu daray 4-sano oo dheeri ah kadib markii la waayay musharax la tartamo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>