Home » Horyaalada » France League I » Rasmi Naadiga West Ham Oo La Saxiixatay Xidiga Reer France Dimitri Payet

Rasmi Naadiga West Ham Oo La Saxiixatay Xidiga Reer France Dimitri Payet


Dimitri-Payet-587088

Kooxda West Ham United ayaa sameesay dadaalkeedii ugu weynaa xagaagan madaama ay gacanta kusoo dhigtay laacibka reer France Dimitri Payet.

Kooxda West Ham ayaa Payet ka saxiixatay heshiis 5-sano ah asigoo aqbalay inuu Premiership-ka England mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato.

Naadiga Marseille ayaa dhankeeda xaqiijisay in xidigeeda Payet uu kooxda West Ham ku biiray waxaana xidigan lagu qaatay aduun lacageed oo gaarayo €15 million.

28-jirkan ayaa xili cayaareedkii hore ka mid ahaa xidigahii ugu wanaagsanaa Ligue 1 France asigoo sameeyay caawintee ugu badneed madaama uu 17-kubadood dhiibay horyaalka France.

Payet ayaa sidoo kale todobaad walbo kooxda West Ham mushaar ahaan uga qaadan doono €75,000 wuxuuna ku faraxsan yahay qorshaha ay naadiga West Ham usoo bandhigtay.

Dimitri Payet oo ka weerar galo labada garab ee khadka dhexe ayaa noqday saxiixii labaad oo ay xaagan naadiga West Ham sameyso waxayna kooxdan horey ula soo wareegtay Pedro Obiang oo naadiga Sampadoria ka tirsanaa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>