Charlie Austin, Jamie Vardy iyo Tom Heaton ayaa ah sadexda magac ee ku cusub xulka Ingiriiska oo uu soo xulay macalin Roy Hodgson kuwaas oo la doonayo iney bisha soo aadan laba kulan la ciyaaraan xulalka Republic of Ireland iyo Slovenia.
Xulka sadexda libaax lagu neynaaso waxey 7-da June kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonaan Republic of Ireland ka hor inta aysan u safrin Slovenia 14-ka June kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.
Weeraryahanka QPR Charlie Austin ayaan kooxdiisa ka badbaadin iney heerka labaad u laabato, balse wuxuu dhaliyay 17-gool sidas darteed markii ugu horeysay ayaa laga wacay xulka England, sidoo kala xidiga Leicester City weerarka uga ciyaara Jamie Vardy ayaa isna soo galay liiska.
Jack Wilshere ayaa dib ugu soo laabtay xulka England kadib mudo uu dhaawac xidigaan kaga maqnaa kooxdiisa, sidoo kalana waxaa markii ugu horeysay kooxda laga wacay Tom Heaton oo goolka u qabta kooxda heerka labaad u laabatay ee Burnley.
Ashley Young ayaa seegay in markii ugu horeysay xulka Looga waco tan iyo September 2013, kadib markii uu qaab ciyaareed qurux badan soo bandhigay xagaagan, balse Hodgson ayaa sababta uu xidigaan kaga reebay xulka ku macneeyay inuu dhibaato dhaawac qabo.
Goolhayeyaasha:
Robert Green (Queens Park Rangers), Joe Hart (Manchester City), Tom Heaton (Burnley)
Daafacyada:
Ryan Bertrand (Southampton), Gary Cahill (Chelsea), Nathaniel Clyne (Southampton), Kieran Gibbs (Arsenal), Phil Jagielka (Everton), Phil Jones (Manchester United), Chris Smalling (Manchester United)
Khadka Dhexe:
Ross Barkley (Everton), Fabian Delph (Aston Villa), Jordan Henderson (Liverpool), Adam Lallana (Liverpool), Ryan Mason (Tottenham Hotspur), James Milner (Manchester City), Raheem Sterling (Liverpool), Andros Townsend (Tottenham Hotspur), Theo Walcott (Arsenal), Jack Wilshere (Arsenal)
Weerarka:
Charlie Austin (Queens Park Rangers), Wayne Rooney (Manchester United), Jamie Vardy (Leicester City), Danny Welbeck (Arsenal)