Dhibaatada kooxda Bayern Munich ayaa sii baaheysa ee dhanka dhaawacyada waxaana markaan soo yeeray war xanuun badan markii la shaaciyay in Sebastian Rode iyo Franck Ribery ay gabi ahaanba seegi doonaan kulanka lugta hore semi finalka Champions League-ga ee ka dhici doona Camp Nou.
24-jirkaan heerka caalami ayaa seegay kulankii Leverkusen ee todobaadkaan, balse waxaa lagu raja weynaa inuu ciyaari karo kulanka Barca, balse ma noqon.
Si kastaba kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ayaa shaacisay in Rode uusan ku jirin kooxdii u safartay magaalada Barcelona maanta.
Sidoo kale Ribery ayaan kasoo muuqan kooxda Bayern Munich tan iyo xasuuqii ay ku dhigeen Shakhtar Donetsk bishii March mana ka qeyb qaadan doono kulanka Barcelona.
Rode iyo Ribery ayaa ku biiraya liis horay kaga maqnaa kooxda oo ay ku jireen Arjen Robben, Davi Alaba, Holger Badstuber iyo Tom Starke kuwaas oo seegaya kulankaan.
Dhanka kale Roberto Lewnadowski ayaa kulankaan inuu safto ay macquul tahay inkastoo uu dhaawac dhanka wajiga ah qabo.
Ugu dambeyntiina Lewy ayaa la safray kooxda si fiican ayuuna kaga soo muuqday tababarkii isniintii ay kooxda ugu diyaar garoobeysay kulankaan.