Home » Horyaalada » La Liga Spain » Real Madrid Oo Badalka Sergio Ramos Ka Heshay Horyaalka Ingiriiska, Balse Wey Dhib Badan Tahay Iney La Saxiixdaan

Real Madrid Oo Badalka Sergio Ramos Ka Heshay Horyaalka Ingiriiska, Balse Wey Dhib Badan Tahay Iney La Saxiixdaan


Koscielny

Real Madrid ayaa ku warantay iney u dhaqaaqeyso daafaca xadiidka ah ee kooxda Arsenal Laurent Koscielny si uu badal ugu noqdo Sergio Ramos oo mustaqbalkiisa uu cirka ku jiro maalmahaan.

Ramos ayaa doonaya inuu isaga tago Magaalada Madrid kadib markii uu shalay kulamo la qaatay maamulka kooxda, waxeyna Madrid durba suuqa ka baadi goobtay badalkiisa.

Manchester United ayaa si ba’an loola xiriirinayaa Ramos kuwaas oo 355 Malyan Oo Pound ku baadi goobayaa daafacaan reer Spain, balse qandaraaska uu kula jiro Madrid waxaa kaga dhiman laba sanadood.

Sida ay sheegtay Mirro, Real Madrid waxey durba bilowday raadinta badalkiisa waxeyna indhaheeda qabteen daafaca reer France ee Arsenal Laurent Koscielny kaas oo ah xidiga isku haya daafaca dambe ee kooxda Wenger.

Arsene Wenger ayaan dooneyn inuu lumiyo Koscielny kaas oo heshiis waqti dheer sanadii lasoo dhaafay kooxda u saxiixay.

Ugu dambeyntii Madrid waxey miiska u saareysaa Arsenal aduun dhan 21 Malyan Oo Pound, balse lama hubo in Arsenal ay sahal ku dhiibi doonto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>