Xulka Jarmalka ayaa guul muhiim ah kusoo gaareen caasimada Tiblisi ee dalka Georgia kulankan waxay u baahnaayeen Jarmalka guul si ay kaalinta kowaad qaybta ay kaga jiraan u hiigsadaan.
Sidaa darteed Jarmalka ayaa 2-0 guusha kaga qaateen xulka Georgia kulan ka tirsanaa isreeb reebka Euro 2016 waxayna Jarmalka guushan kaga mahad celinayaan xidigaha kala ah Marco Reus iyo Thomas Muller.
Inkastoo Jarmalka ay qaybtii hore kubada iska heesteen sidoo kalena xidigaha Ozil, Gotze, Muller iyo Reus ay kubada isku dhiib dhiibayeen hadana daafacyada Georgia ayay dhaafi waayeen.
Balse daqiiqadi 39-aad ayaa xulka Georgia daafacooda la kala jebiyay waxaana kubad la dhex qaay Mario Gotze markii laga bad baadiyay waxaa gool u badalay Marco Reus oo si fiican u dhaliyay fursadii uu helay.
Reus waa kulankii labaad oo xariir ah oo uu Jarmalka gool u dhaliyo sidoo kalena xidigan nasiib xumo laad xoogan aya qoriga ka dhacay wuxuuna heli lahaa goolkiisii labaad kulankan.
Thomas Muller ayaa daqiiqadii 44-aad cayaarta ka dhigay 2-0 wuxuuna dhaliyay laad xoogan asigoo si fiican u xeeladeestay kubad uu ka helay Musit Ozil.
Qaybtii hore 2-0 oo ay hogaanka ku hayaan xulka Jarmalka ayaa lagu kala nastay markii la isku soo laabtay xulka Georgia ayaa dadaal lasoo baxeen waxayna sameeyeen fursado macquul ah.
Balse markale Jarmalka ayaa bilaabeen inay baasas gaab gaaban cayaaraan waxaana daafacyada Georgia nasiino u diiday Marco Reus oo daqiiqadii 60-aad markale qoriga laad xoogan ku dhafta.
Sidoo kale Gotze iyo Ozil ayaa dadaal dheerad ah sameeyeen qaybihii dambe ee kulankan balse uma suura galin inay fursahooda goolal u badalaan.
Ugu dambeyntii Jarmalka ayaa 2-0 guusha ku qaateen wuxuuna macalin Low ku farxay guusha ay xulkiisa gaareen waayo Jarmalka waxay halgan ugu jiraan qaybtooda inay kaalinta kowaad kaga soo baxaan balse ilaa haatan xulka Poland ayaa ka sareeyaan dhibco ahaan.