Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Roberto Firmino waxeyna kula saxiixdeen aduun dhan 29 Malyan Oo Pound.
Firmino waa saxiixii shanaad ee Liverpool xagaagan, kaliya Joe Gomez ayeyna kooxdaan soo bandhigtay madama sadexda xidig ee kale ay yahiin xor waxeyna Anfield imaan doonaan 1-da July markaas oo uu dhamaanayo heshiisyada ay kula jiran kooxdahooda waana: Milner, Ings iyo Bogdan.
Roberto Firmino waxaa heshiiskiisa la dhameystiri doonaa oo uu Anfield imaan doonaa marka uu kasoo laabto dalka Chile halkaas oo uu kaga qeyb galayo Copa America isagoo ka tirsan xulkiisa Brazil.
Hadaba Firmino wuxuu noqday xidigii labaad ee ebid ugu qaalisanaa kooxda Liverpool, waxaana kaliya ka horeeya Andy Carroll oo Anfield Road ku yimid aduun dhan 35 Malyan Oo Pound.
1) Andy Carroll – £35m – January 2011
2) Roberto Firmino – £29m – June 2015
3) Adam Lallana – £25m – July 2014
4) Luis Suarez – £22.8m – January 2011
5) Fernando Torres – £20.2m – July 2007
Dhanka kale Roberto Firmino wuxuu kula midoobi doonaa Anfield xidigaha reer Brazil ee Lucas Lieva iyo Philippe Coutinho, waana xidig ciyaari kara boosaska dhexe, garbaha weerar iyo weerarka tooska ah.
saleebaankaafi:liverpool
24-June-2015 at 1:54 pm
Liverpool haday samayso xidigaha sidaan u cajiib ka ah waxay gaadhi doontaa guulo muhiim ah welcome roberto firmino