Home » Maxaa Cusub » Roy Keane “Waligay Man United Taageero Uma Noqonin Xitaa Markii Aan U Cayaari Jiray!”

Roy Keane “Waligay Man United Taageero Uma Noqonin Xitaa Markii Aan U Cayaari Jiray!”


roy keane

Halyeega reer Jamhuuriyada Ireland Roy Keane sidoo kalena sanado badan kabtan u ahaa kooxda Man United ayaa ku celiyay in kooxdiisii hore uu cilaaqaadka ka goostay wixii ka dambeeyay sanadii 2005.

Halyeegan siweyn ayuu Man United ugu soo halgamay wuxuuna kula guuleestay 7-horyaal, 4-FA Cup iyo UEFA Champions League mudadii 12-sano ahayd ee uu Old Trafford joogay.

Laakiin dhawaan ayuu sheegay Keane inuusan Man United taageero u ahayn sidoo kalena u ahaan jirin uuna jecel yahay naadiga Tottenham oo uu tan iyo yaraantiisii taageeri jiray.

“Xitaa markii aan Man United u cayaari jiray kuma aanan fikirin inaan taageero u noqdo”

“Waxaan siweyn u taageeri jiray Spurs aamin ama ha aaminin laakiin aadbay iigu adag tahay inaan dhaho Man United ayaan taageero u ahay”

“Kama dhigno hadii aan Man United u cayaari jiray inaan taageero u ahaa waan jeclaa inay guuleesato balse taageerinimada waa wax kale”

“Markii aan United ka tagay cilaaqaadka waan kala goosanay mana jirto sabab aan ku taageeri karo xiligan!”

Sidoo kale Roy Keane ayaa sheegay yaraantiisii inuu helay fursad uu kooxda Tottenham kaga mid noqon karay balse wuxuu sheegay inuu ka door biday ku biiritaanka naadiga Nottingham Forest oo dalab wanaagsan usoo bandhigtay yaraantiisii.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>