Home » Latin America » Sanchez, Aguero Iyo Di Maria Oo Ka Maqan Shaxdii Ugu Fiicneed Copa America, Yaase Ku Jira Oo Kale?

Sanchez, Aguero Iyo Di Maria Oo Ka Maqan Shaxdii Ugu Fiicneed Copa America, Yaase Ku Jira Oo Kale?


Sanchez

Xulkii lahaa ciidii lagu martigaliyay tartanka ee Chile ayaa la hoyday Copa America kadib markii ay rigoorayaal 4-1 ah kaga qaadeen koobkii xulka Argentina oo lumiyay finalkii labaad oo xiriir ah tartamada waaweyn.

Xulka Chile oo kaashanaya ciidooda iyo dadkooda ayaana si qurux badan tartankaan uga soo muuqday, waxeyna 99-sano kadib ku guuleysteen koob caalami ah.

Si kastaba Lionel Messi ayaa hogaaminaya koox wadareed laga sameeyay koobkii kusoo dhamaaday Chile waxaana sidoo kale kasoo muuqday xidigaha reer Chile ee Vargas, Medel, Vidal iyo Bravo waana xulka ugu badan ee helay tirada ugu badan shaxdaan.

Argentina ayaa soo kusoo xigta oo sadex xidig ku yeelatay waxaana laga soo xulay Otamendi, Mascherano iyo Lionel Messi.

Sidoo kale shaxdaan waxaa laga waayay wiilkii dhaliyay rigooradii ay Chile ku qaaday tartankaan ee Alexis Sanchez, Di Maria iyo Sergio Aguero oo dhamaantood aan muuqaalo cajab ah kasoo bandhigin tartankii dhamaaday.

SHAXDA COPA AMERICA:

Bravo; Otamendi, Medel, Murillo; Vidal, Mascherano, Marcelo Díaz, Christián Cueva; Vargas, Guerrero and Messi.

Shaxdaan waxaa tababare looga dhigay macalinka reer Argentina ee leyliya xulka Chile Jorge Sampaoli.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>