Daqiiqado kadib markii uu Sepp Blatter ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxtinimo ee gudoonka FIFA ayey baraha internet-ka ay bulshada ku kulmaan noqotay meel kaliya isaga looga maadeysto.
Sepp Blatter ayaa shir jaraa’id ku shaaciyay inuu ka dagayo xilka madaxtinimo ee FIFA isla markaana uusan noqon doonin musharax mar kale isku soo taaga isagoo ka shaqeynaya sidii madaxweyne loo dooran lahaa waxeyna is casilaadan imaaneysaa xili shan maalin ka hor loo doortay xilkaan markii shanaad oo xiriir ah.
Waxey aheyd Jimcadii tagtay markii 14 ka mid ah xubnaha sar sare ee FIFA la xiray markii ay dacwad kusoo oogtay maxkamadda Cadaaladda Mareykanka waxaana howshaan fuliyay booliska Swiss.
Si kastaba 79-jirkaan reer Switzerland ayaa soo afjaray 17-sano oo maamulayay FIFA, waxaana sawiradii lagu maadeystay ka mid ahaa: