Daafaca garabka midig ee xulka England Nathaniel Clyne ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Liverpool xili uu kooxda Southampton kaga soo hayaamay 12.5milyan oo pound.
Nathaniel Clyne aya lagu soo dhaweeyay garoonka Anfield wuxuuna buuxin doonaa booskii uu baneeyay Glen Johnson oo ay Liverpool iska fasaxday.
Nathaniel Clyne ayaa sheegay in Adam Lallana uu siweyn ugu qal qaaliyay inuu Liverpool xagaagan usoo dhaqaaqo wuxuuna yiri “Adam ayaan si joogto ah u xariirnaa wuxuuna igu qanciyay inaan Liverpool usoo dhaqaaqo”
“Madaama aan Lallana Southampton isla joogi jirnay aadban u tixgaliyaa talooyinkiisa waxaana kaga mahad celinaa inuu iga caawiyay sidii aan Liverpool kaga mid noqon lahaa”
24-jirkan ayaa Liverpool u saxiixay 5-sano wuxuuna ka dhawaajiyay inuu ku rajo weyn yahay inuu kooxdiisa cusub ka caawiyo sidii ay hadafkeeda u gaari laheyd.
Wuxuuna yiri “Liverpool waa koox fac weyn waxayna u qalantaa inay cayaarto koobka horyaalada Yurub sidaa darteed diyaar u ahay inaan Reds ka caawiyo sidii ay hadafkeeda ku gaari laheyd xili cayaareedka cusub”
“Waxaan heestaa fursad aan hormar kusii sameyn karo waxaana aaminsanahay in Liverpool ay tahay naadi ku haboon mustaqbalkeyga cayaareed”