Home » Horyaalada » La Liga Spain » Saxiixa Cusub Ee Real Madrid DANILO Oo Weydiistay Kooxdiisa In La Siiyo Numberka 22-aad

Saxiixa Cusub Ee Real Madrid DANILO Oo Weydiistay Kooxdiisa In La Siiyo Numberka 22-aad


Danilo

Daafaca midig ee xulka Brazil Danilo isla markaana isku diyaarinaya inuu kooxdiisa Real Madrid kusoo biiro xagaagan ayaa sii codsaday in loo xiro numberka 22-aad, madama uusan awood u heli karin inuu helo numberka 2-aad oo uu u xirto kooxdiisa Fc Porto.

Danilo wuxuu doonayaa inuu xirto numberkii uu ka tagay Di Maria ee 22-aad, halka numberka 2-aad oo uu aad u jecel yahay uu xiran yahay Raphael Varane.

Numberka 22-aad ee Madrid waxaa soo xirtay xidigo ay ka mid yahiin: Di María, Xabi Alonso, Christian Karembeu, Miguel Torres, Francisco Pavón iyo Álvaro Benito.

Imaanshaha Danilo ee Bernabeu ayaa xiiso u yeeli doona doorka daafaca midig ee kooxda waxaana ku dagaalami doona Carvajal, Danilo iyo Arbeloa oo ah sadex xidig oo tayo sare leh.

Danilo kama qeyb qaadan doono kulamada fasaxa kooxdiisa madama uu xulka Brazil kala qeyb galayo Copa America ee dhawaan ka bilaaban doona dalka Chile.

Xiliga lasoo bandhigayo wali lama xaqiijin, balse sida la filayo wuxuu qeyb ka noqon doonaa kooxda Madrid ee u safreysa Bayern Munich si ay ula soo ciyaarto koobka Audi Cup oo ka dhici doona halkaas 4-ta iyo 5-ta August ee sanadaan.

Ugu dambeyntii Danilo ayaa filanaya in Madrid ay codsigiisa aqbasho isla markaana ay u xirto numberka uu jeclaaday ee 22.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>