Home » Horyaalada » Bundesliga » Schweinsteiger Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Cayaareed

Schweinsteiger Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Cayaareed


bastian

Kabtanka labaad ee kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteiger ayaa ugu dambeyntii ka hadlay mustaqbalkiisa cayaareed iyo tilaabada uu xagaagan qaadi doono.

Xidigan waaya araga ah waxaa siweyn loola xariirinaa kooxda Man United sidoo kalena saxaafada dalka Jarmalka ayaa hadal heyso inuu Bundesligaha isaga hayaami doono.

Balse Schweinsteiger ayaa meesha ka saaray inuu garoonka Allianz Arena xagaagan ka hayaami doono wuxuuna yiri “Waxaan doonayaa Bayern inaan guuleesto horyaalkii 4-aad oo xariir ah sidoo kalena aan Champion-ka markale Munich la qaado”

“Taariikh ahaan ma jirto naadi 4-jeer oo xariir ah ku guuleesatay Bundelsigaha sidaa darteed damaceyga gaarka ah wuxuu yahay inaan iskooraas taariikhiga ah kooxdeyda Bayern aan la qeebsado”

Schweinsteiger ayaa sheegay inuu weli kubada cagta heerkii ugu sareeyay sii cayaari karo wuxuuna yiri “Waxaan diyaar u ahay inaan kubada heerkeeda ugu sareeyo sii cayaaro 3-sano ee nagu soo fool leh”

“Hadaf weyn ayaa ii adagsan oo ah inaan Euro 2016 xulkeyga Jarmalka u hogaamiyo sidoo kalena aan sanado kale sii cayaaro”

30-jirkan qandaraaska uu Bayern kula joogo waxaa uga harsan mudo 12-bilood ah balse hadalka kasoo yeeray ayaa muujinaayo inuu diyaar u ahayn la shaqeynta kooxdiisa iyo inuu heshiis cusub u saxiixo dhawaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>