Daafaca xulka Spain Sergio Ramos ayaa kulan xasaasi ah maamulka Real Madrid la qaatay wuxuuna u sheegay inay dhageestaan dalabyada kooxaha kale kaga imaanayo madaama uu rabo inuu garoonka Bernabue isaga hayaamo.
Wargeska Marca ayaa sheegay in Ramos uusan xiriir wanaagsan la laheyn gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez wuxuuna u sheegay rabitaankiisa ku aadan sidii uu xagaagan caasimada Spain isaga hayaami lahaa.
Ramos qandaraaska uu Real Madrid kula joogo waxaa uga harsan mudo 2-sano ah sidoo kalena dhawaan ayay maamulka xidigan isku fahmi waayeen sidii qandaraas cusub looga saxiixi lahaa madaama uu dal baday in sanad walbo la siiyo 10-milyan oo euro ah.
Pedro Riesco oo ah shaqsi la shaqeeyo wakiilka Ramos ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna yiri “Aadbay u adag tahay in Sergio uu Real Madrid lasii joogo madaama heshiiskii qandaraaskiisa lagu kordhin lahaa uu bur buray”
Ramos walaalkiisa oo lagu magacaabo Rene ayaa xidigan garab taagan waxayna labadooda la kulmeen agaasimaha Real Madrid Jose Angel Sanchez waxayna ku wargaliyeen madaxda Madrid in si xushmad ku dheehan loo dhageesto dalabyada kooxaha kale madaama ay rabaan inay caasimada Spain isaga tagaan.
Man United ayaa ah kooxda hor boodeyso loolanka loogu jiro saxiixa 29-jirkan oo lagu tilmaamo daafaca caalamka ugu wanaagsan.
Balse United wax talaabo ah ma qaadi doonto ilaa ay Real Madrid ogolaato in xidigan uu fasaxan yahay diyaaarna u tahay inay dhageesato dalabyada Ramos ku aadan.