Ruug cadaa Frank Lampard ayaa dib kaga qoomameeyay go’aankii uu xagaagii hore kooxda Chelsea kaga tagay.
Halyeegan xili cayaareedkan intiisa badan kooxda Man City ayuu qaab amaah kula joogay kadib markii uu dalka Mareekanka u dhaqaaqay sanadkii hore.
“Kubada cagta marwalbo go’aanada aad qaadaneyso ma saxsano, waxaan rabay inaan xili hore Chelsea ka tago”
“Balse iima suura galin sanadkii hore ayaan Stamford Bridge ka tagay inkastoo aan heli karay fursad aan kusii joogo”
“Waxaa haatan ila qumaneed inaan Chelsea lasii joogo waayo wax walbo ayaan la qeebsan lahaa kooxdeydii hore”
Geeska Lampard oo ku guul dareestay inuu boos joogto ah Man City ka helo qaybihii dambe ee xili cayaareedkan ayaa sheegay inuu Waqooyiga Ameerika dib ugu laaban doono marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Frank Lampard ayaa doonayo sanadaha uga harsan mustaqbalkiisa cayaareed inuu la qaato kooxdiisa New York City FC wuxuuna kooxdan ku biiri doonaa todobaadka dambe ee nagu soo fool leh.