Juventus ayaa la saxiixatay Mario Mandzukic, waxeyna lumin doonaan sida muuqata Carlos Tevez oo dib ugu laaban doona kooxda Boca Junior ee dalkiisa Hooyo.
15 Malyan Oo Euro ayuu Mandzukic ku yimid Turin, waxaana intaas raaci doona 3 Malyan oo Euro oo ku xiran bandhiga uu xidigaan heerka caalami soo bandhigo mudadiisa kooxda.
Waxaan eegi doonaa bal sida ay Shaxda Juventus isku badali doonto waxaana Mandzukic kooxda kula soo biiray xagaagan Paulo Dybala oo isna weerar ah waxeyna taas ka dhigan tahay in Allegri uu ciyaari doono shaxda 4-3-3, isagoo ka guuri doona shaxda 4-3-1-2.
Si kastaba shaxda xagaaga soo aadan boos ugama banaana Zaza oo dib ugu soo laabto Bianco, Pereyra oo ah joorkar boos walba ciyaari kara Comon, Llorente iyo Berrardi oo isna la filayo inuu kusoo laabto kooxda.
Andrea Pirlo ayaa booskiisa lumin doona waxaana buuxin doona Sami Khedira, iyadoo Pogba iyo Vidal ay dhexda ku wehlin doonaan, inkastoo aan la ogeyn iney sii joogayaan kooxda.
Marchisio & Asamoah ayaa kursiga gali doona waxeyna shaxda Allegri ee xagaaga soo aadan u muuqan doontaa sidaan:
Goolhaye:
Buffon
Daafaca:
Evra, Chiellini, Bonucci, Lichtsteiner
Khadka Dhexe:
Sami Khedira, Paul Pogba, Arturo Vidal
Weerarka:’
Alvaro Morata, Mario Mandzukic, Paulo Dybala