Wararka xanta ah ee hawada galinaya Mustaqbalka Sergio Ramos ee Madrid ayaa sii baahaya iyadoo xidigaan la xaqiijiyay inuu doonayo ku biiritaanka Man United isla markaana uu isaga tago garoonka Santiego Bernabeu oo uu ku sugnaa 10-sanadood.
Si kastaba warkaan wuxuu farxad galiyay Manchester United oo ku dhiiratay iney dalab kale u gudbiso Madrid waxeyna miiska u saartay dalab 28.6 Malyan Oo Pound ah.
29-jirkaan reer Spain ma doonayo inuu kusii nagaado Madrid, waayo kooxda uu hogaamiyo Van Gaal ayaa mushaar wali ah u sheegtay taasoo dhanka mushaarka la mid dhigeysa Wayne Rooney oo ah kabtanka kooxda.
Laba sanadood ayaa kaga haray Sergio Ramos qandaraaska uu Madrid kula jiro, wuxuuna kooxda ka codsanayaa in laga iibiyo Man United walow aan la ogen sida ay xidigaan kusii deyn karto.
Ugu dambeyntiina Real Madrid waxey iyana dooneysaa saxiixa goolhayaha kooxda United David De Gea, balse wey u sahlan tahay hadiiba ay ogolaadaan Ramos.