Naadiga horyaalka England ku guuleesatay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday Chelsea ayaa dooneyso inay ugu yaraan 8-ka mid ah xidigaheeda ugu caansan iska fasaxdo labada bilood ee nagu soo fool leh.
Macalin Jose Mourinho ayaa dhawaan sheegay in kooxdiisa aysan heesan doonin cayaaryahan aan ku qanacsaneyn qorshihiisa cayaareed iyo sida uu Stamford Bridge u maamulo.
Sidaa darteed xidigaha la fasixi doono waxaa safka kaga jiro goolhayaha gadoodsan Petr Cech oo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday booskiisa lumiyay.
Sidoo kale Chelsea ayaa qiimo macquul ah ku fasixi doonto hadii ay ku hesho laacibka dib u dhaca sameeyay Ramires waxayna booskiisa keensan doontaa Paul Pogba waa hadii ay u suura gasho.
Kubad sameeyaha reer Brazil Oscar kalsoonida macalin Jose Mourinho ayuu waayay sidoo kalena xidgan diyaar uma ahan inuu kursiga keydak fariisto xagaagan waxayna u badan tahay in kooxaha PSG ama Juve midkood laga iibin doono.
Loic Remy inkastoo uu dhawaan Galbeedka London yimid hadana macalin Mourinho dhaawaca joogtada ah ee xidiga reer France ayuu dhibsaday waxaana lagu daray liiska la fasixi doono.
Daafaca dhalinta Kurt Zouma isagana waxaa la sheegay in xagaagan la fasixi doono balse qaab amah ah ayaa naadiga Sampadoria lagu siin doonaa si uu waaya aragnimo dheeraad ah u helo.
Juan Cuadrado oo mudo lix bilood ku sugan London isagana looma baahno waxayna Chelsea diyaar u tahay inay xidigan iibkiisa ku qasaarto madaama ay bilawgii sanadkan lacago badan kusoo iibsatay.
Daafaca reer Brazil Felipe Luis isagana kooxdiisii hore Atletico Madrid ayuu dib ugu laaban doonaa madaama uu la qabsan waayay Premiership-ka England.
Ugu dmabeyntii Chelsea waxay mudo dheer kadib fasixi doontaa John Obi Mikel madaama xidiga reer Nigeria dhaawiciisa uu batay sidoo kalena uu macalin Jose Mourinho ka maarmo kubad bur buriyahan.