Tababaraha reer Spain ee leyliya Bayern Munich Pep Guardiola ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in kooxdiisa ay xiiso u qabto Flopka Man United Angel Di Maria.
Di Maria ayaa ku jahawareeray Man United xagaagiisii ugu horeeyay xili uu noqday saxiixa ugu qaalisan ebid ay soo iibsato koox ka dhisan dalweynaha Britain madama uu ku yimid aduun dhan 59.7 Malyan Oo Pound.
Kadib waayahiisa foolxumada ku bilowday xidigii hore Madrid waxaa lala xiriiriyay kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka.
“United bilaash kuma bixineyso xidig qiimo weyn ugu fadhiya, waa xidig weyn” Ayuu yiri Guardiola, “Inkastoo mararka qaar lacagaha suuqa ay yahiin kuwo waali ah”
Mar la weydiiyay Pep Guardiola in kooxdiisa ay xiiso u qabto Angel Di Maria wuxuu yiri: “Maya, xiiso uma qabno Di Maria”
Ugu dambeyntiina Di Maria ayaa haatan ka mid ah xidigaha Argentina ee jooga finalka Copa America, waxeyna sabtida la ciyaari doonaan Chile.