Home » Maxaa Cusub » The Sun Oo Daaha Ka Qaaday Xidiga Ay Man City Lasoo Saxiixan Doonto Hadii Ay Paul Pogba Heshiiskiisa Ku Guul Dareesato

The Sun Oo Daaha Ka Qaaday Xidiga Ay Man City Lasoo Saxiixan Doonto Hadii Ay Paul Pogba Heshiiskiisa Ku Guul Dareesato


Wilshere

Wargeska The Sun ayaa daaha ka qaaday arin xiiso badan kaasi oo ah Man City ay calaameesatay xidiga ay lasoo saxiixan doonto hadii ay Paul Pogba soo xero galintiisa ku guul dareesato.

The Sun ayaa ka dhawaajiyay in Man City bartilmaameedka kowaad uu yahay Pual Pogba sidoo kalena ay dooneyso inay khadka dhexe ku xoojiso.

Balse City waxay niyad jab kala kulantay kooxda Juventus oo diiday inay hoos u dhigto qiimaha Pogba oo haatan lagu sheegay £71m.

Sidaa darteed The Sun ayaa xusay in todobaadkan dabyaaqadiisa ay Man City markale fariin u diiri doonto Juventus si ay qiimaha Pogba hoos ugu dhigto.

Hadii City ay heli weyso jawaab ay ku qanacdo waqti badan kama sii lumi doono waxayan diirada saari doontaa soo xero galinta Jack Wilshere.

23-jirkan xulka England ka tirsan kooxdiisa Arsenal waxay dul dhigtay £40m waana qiimo ay Man City diyaar la tahay inay xagaagan bixiso.

Tani waxay kooxda Arsenal ku abuuri doontaa jah wareer sidoo kalena Wilshere ayaa ku biiri karo liiska xidigaha Arsenal ka tirsana kuwaas oo sanadihii dhawaa Man City ku biireen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>