Home » Maxaa Cusub » The Sun Oo Naxdin Iyo Qalbi Jab Galisay Jamaahiirta Arsenal Madama Ay Ka Hadleen Arimaha Arturo Vidal

The Sun Oo Naxdin Iyo Qalbi Jab Galisay Jamaahiirta Arsenal Madama Ay Ka Hadleen Arimaha Arturo Vidal


FBL-WC2014-QUALIFIERS-CHI-BOL

Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa farxad ku sugna Afarta iyo sideedii saac ee ugu dambeeyay kadib wargeyska La Stampa uu qiray in Arturo Vidal uu ku biiray kooxda Arsenal.

Sida ay ku warantay Majaladda The Sun Arturo Vidal ayaan aheyn xidig diirada u saaran kooxda ka dhisan waqooyiga London taasoo ah sheeko qalbi jab iyo wareer ku riday Jamaahiirta Arsenal ee faraxsanaa.

Si kataba Vidal oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa kooxda Juventus lana qaaday afar horyaal iyo koobab kale ayaa la filayaa inuu kooxda ka tago, waxaana warbixino ka yimid Italy ay xaqiijiyeen isbuucii lasoo dhaafay in kooxweyn oo yurub ah laga iibiyay.

The Sun waxey aaminsan tahay in Arsene Wenger uu xidigaan aad u xushmeeyo isla markaana uu yahay xidig uu aad u jecel yahay balse uusan ku jirin liiska xidigaha uu suuqa ka doonayo xagaaga.

Ugu dambeyntii Vidal ayaa haatan ku sugan Chile isagoo xulkiisa kala qeyb galaya Copa America, waxeyna wax walba kala cadaan doonaan todobaadka soo socda marka uu soo dhamaado koobkaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>