Weeraryahanka reer Holland wuxuu garwaaqsaday in kooxdiisa Man United ay ka tashatay sidoo kalena lagu daray xidigaha xagaagan garoonka Old Trafford laga diri doono.
Hadaba The Mirror ayaa xoo xigtay warbixin ay ku heshiiyeen Van Persie iyo wakiilkiisa oo ah inay shuruud adag ay maamulka Man United hor dhigi doonaan marba hadii kooxda laga diraayo.
Madaama RVP si qasab ku dheehan kooxda looga diraayo sidoo kalena heshiiskiisa 12-bilood uga harsan tahay wuxuu xidigan dalban doonaa in £12m magdhaw ahaan loo siiyo waana lacagaha uu qaadan lahaa hadii uu xili cayaareedka dambe United u cayaaro.
31-jirkan diyaar uma ahan inuu meel cidlo ah kaga tago lacagaha £250,000 ee uu todobaad walbo qaato sidaa darteed kubad adag ayuu kooxdiisa Man United la cayaari doonaa.
Naadiga Fenerbahce ayaa dhawaan sheegtay inay Van Persie heshiiska shaqsiga ah la gaartay balse xidigan wax talaabo ah ma qaadi doono ilaa uu kooxdiisa Man United ka hormarsado £12m ee uu ku kasban lahaa sanada qandaraaskiisa kaga harsan.
Man United waxay ku qasban tahay inay weeraryahan cusub lasoo saxiixato madaama ay Radamel Falcao iska fasaxday sidoo kalena ay dooneyso inay Van Persie isagana fasaxdo.
Sidaa darteed macalin Van Gaal xili cayaareedka Wayne Rooney kaligiis kuma dagaal gali karo.